11/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2024
Faysal Cali Waraabe: Heshiiska Itoobiya Waa Hadiyad Alle Noo Keenay
 

Khamiis, October, 31, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ku tilmaamay hadiyad xaga Alle uga timid Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay daganyihiin Itoobiya, isla markaana loo bahanyahay in la is kaashado.

"Heshiiska Itoobiya waa hadiyad Alle noo keenay, 365 tuulo ayaanu ku leenahay Itoobiya, 60% lacagta Itoobiya soo gashaa Wajaale ayay martaa, waanu isku xidhanahay, hada waxaanu ka shaqaynaynaa in Hawd noqdo kilal gaar ah" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sheegay in cadaawada Somaliland iyo Itoobiya ay dhamaatay markii ay Itoobiya saldhiga siisay SNM horaantii 1980, isla markaana kilalka 5aad ee Itoobiya oo Soomaalidu barigii hore doonaysay in ay ka jarto Itoobiya, uu hada ka horumarsanyahay Soomaalida inteeda kale, oo anay jirin sabab loogu dagaalamo.

Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa maanta dhankiisa sheegay in Itoobiya ay rabto in ay si nabad ah ku gaadho badda, heshiiska dhinacyada ayaa ka caydhiisay dowlada Soomaaliya, waxa uuna sababay in waddamada Itoobiya iyo Soomaaliya uu xidhiidhkoodu gaadho halkii ugu hoosaysay.

Dhanka kale, Madaxweyne Biixi ayaa BBC Somali u sheegay in heshiisku uu fuli doono, lakiin uu cadaadis badani kasoo wajahay dhinaca Soomaaliya.