11/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2024
Shirka Golaha Wadatashiga oo Muqdisho ka furmay iyadoo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland
 

Axad, October, 27, 2024 (HOL) - Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta ka furmay xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland. Shirkaan ayaa muujinaya kala qeybsanaan weyn oo ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe oo markii hore qeyb ka ahaa shirkaan, ayaa lagu guulaysan waayay in shirka lagusoo celiyo. Axmed Madoobe wuxuu ka horyimid in go'aan laga gaaro hannaanka doorashooyinka dalka iyadoo ay maqan tahay Puntland.

Kulankan maanta furmay waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya, raysal wasaaraha iyo ku xigeenkiisa, madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug, guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa shirkaan looga doodayaa in lagu dejiyo doorashooyinka heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhawaan sheegay in uusan marnaba ka tanaasuli doonin inuu dalka ka qabto doorasho qof iyo cod ah, isagoo sheegay in dowladdiisa aysan gorgortan siyaasadeed ka gelidoonin arrintaas.

Balse, kala qeybsanaanta siyaasadeed ee socota ayaa u muuqata mid hor istaageysa horumarka laga gaaro qabsoomidda doorasho dadweyne.