11/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 25, 2024
Markabka shidaalka baarista ee Oruc Reis ee Turkiga oo soo gaaray xeebaha Soomaaliya
 

Jimco, October, 25, 2024 (HOL) - Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa maanta oo Jimco ah ku dhawaaqay in markabka Oruc Reis ee Turkiga uu soo gaaray xeebaha Soomaaliya si uu u sameeyo sahamin dhinaca shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

'Oruc Reis waxa uu gaaray goobtii loo igmaday kadib socdaalkii uu ku marayay qaaradaha,' Bayraktar ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Wasiirka oo uu wehliyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinka dambe ee maanta ka qeyb galaya xafladda lagu soo dhaweynayo markabka cilmi baarista ee Seismic.

Markabkan ayaa Soomaaliya u soo shiraacday horraantii bishan si uu sahamin dhinaca shidaalka ah iyo gaaska dabiiciga ah uga sameeyo saddex goobood oo Turkigu ka helay shatiyada sahaminta.

Oruc Reis waxa uu daraasado seismic ah oo saddex-geesood ah ka samayn doona xeebaha Soomaaliya.

Hawlgalka ayaa la filayaa inuu socdo ku dhawaad toddobo bilood wuxuuna ku lug yeelan doonaa ururinta xogta seismic ee saliidda iyo gaaska dabiiciga ah labadaba.

Xogtan ayaa lagu falanqeyn doonaa magaalada Ankara si loo ogaado meelaha la qodayo.

Horaantii sanadkan Turkiga iyo Soomaaliya waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo is afgarad ah oo dhex maray wasaaradahooda iyo dowladahooda.

Shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga, ayaa shatiyo ka heshay saddex goobood oo badda Soomaaliya ah.