11/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 25, 2024
Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya oo ka digay weerar ay qorshaynayan Burcad badeedda Soomaalida
 

Jimco, October, 25, 2024 (HOL) - Howlgalka Midowga Yurub ee ilaalada xeebaha  (EUNAVFOR) ayaa sheegay in koox cusub oo looga shakisan yahay burcad badeednimo ay ka baxeen xeebaha Soomaaliya, taasoo muujineysa suurtagalnimada in ay dib u soo cusboonaato howlgallada burcad badeedda Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan warar kala duwan, saddex iyo toban budhcad-badeed hubaysan ayaa ka ambabaxay degaanada Ceel Huur iyo Hobyo ee koonfurta Mudug, taasoo kor u qaadday qeylo dhaan kasoo yeeraysa maraakiibta ganacsiga.

Howlgalka ilaalada badda ee Midowga Yurub ayaa Dhammaan maraakiibta kula taliyay inay si taxadar leh u socdaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa la sheegay inay illaa bishii June hakiyeen howlahooda cimilada oo xun awgeed, waxaana haatan oo cimiladu wanaagsan tahay laga cabsi qabaa inay dib u bilaabaan weerraradii ay ku hayeen maraakiibta ganacsiga.

Burcad-badeedda ayaa waxay afduubteen laba markab, MV Ruen iyo MV Abdullah sanadkii hore dhammaaadkiisii, kuwaas oo mid kamid ah xoog lagu furtay, kan kalena madax furasho laga qaatay.