11/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Golaha Dhowrista Xogta
 

Jimco, November, 1, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Golaha Dhowrista Xogta (Global Privacy Assembly) oo ah gole la aas aasay sanadkii 1978-dii, islamarkaama ay ku mideysan yihiin in ka badan boqol wadan.

Ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golahan dhowrista Xogta xubinnimadeeda ayaa lagu ansixiyay Meertada 46-aad ee Golaha, waxaana ka qaybgalay xubno ka socday Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya.

Golahaan ayaa ah fagaaraha ugu wayn ee dowladaha dunidu uga doodaan kuna dejiyaan qaraarrada iyo sharciyada lagu maareeyo arrimaha xogta iyo tiknoolojiyadda, waxaana ku mideysan in ka badan 130 dowladood iyo shirkadaha ugu waa wayn ee tiknoolojiyadda sida Google, Facebook, X, Amazon, Apple, iyo TikTok.

Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha (Data Protection Authority) Maxamed Axmed Cali ayaa sheegay in Shalay oo Khamiis aheyd ay si buuxda Soomaaliya xubin uga noqotay Golaha Dhowrista Xogta (Global Privacy Assembly GPA) .

"Waxaa sharaf ah inaan idinla wadaago guulweyn oo usoo hoyatay dalka Soomaaliya iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo ah in maanta oo Khamiis ah 31 bisha October 2024 in Soomaaliya si buuxda xubin uga noqotay Golaha Dhowrista Xogta (Global Privacy Assembly GPA), taas macnaheedu wuxuu yahay in Soomaaliya awood leedahay hadda kadib iney ganaaxdo, dacweyn karto magdhaw iyo xuquuqna ku leedahay shirkadaha Technologyadda gaar ahaan kuwa Baraha Bulshada sida Facebook, Snapchat, TikTok, Twitter iyo Google oo ay shacabka Soomaaliyeed kala kulmaan xad gudubyo ay ka midyihiin jabsashada akoonadooda, faafinta xogtooda xasaasiga ah, muuqaallada ka hor imanaya qiyamka diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed" ayuu yiri Mareeye Maxamed Axmed Cali.

Dowladda Soomaaliya waxaa sanadahii ugu dambeeyay ay ku taalabsatay guulo waa weyn, waxayna markale ay dib ula soo laabanaysa mansabkii ay ku laheyd Caalamka dhowr iyo 30 sano ka hor.